Waxaa muddo gaaban kahor suuqa mukhaadaraadka ee dalka Finland ku soo biiray hab cusub oo ay dhallinyaradu isu maandooriyaan. Habkan ayaa ah mid si gaar ah ay u isticmaalaan ama ku badan yihiin dhallinyarada uu asalkooda ajnabiga yahay.
Dhallinyarada ayaa la soo sheegayaa in ay hab ismaan-doorin ah u isticmaalaan neefta ka qoslinta (ilokaasu, laughing gas), taas oo sida caadiga ah lagu isticmaalo isbitaallada. Isbitaallada ayaa marka ay bukaannada siinayaan neeftan ku dara ogsojiin, waxaana bukaannada looga khafiifiyaa dareenka xanuunka.
URURKA SAMHA RY oo ka shaqeeya caawinta, baxnaaninta, talasiinta iyo dib bulshada ugu laabashada dadka qabatimay waxyaabaha maanka dooriya (mukhaadaraadka) ayaa nooga warbixiyay meesha ay mareyso xaaladda noocan cusub ee maandooriyaha ah iyo waxyaabaha ay ka qabteen ka hortaggiisa.
Madaxa mashruuca SAMHA Ry Tariq Omar ayaa sheegay, in kaddib markii ay boolisku arkeen gasacyada laga cabay ama isticmaalay neefta ka qoslinta oo waddooyinka qaar daadsan ay la soo xiriireen ururkooda una sheegeen noocan ama habkan cusub ee mukhaadaraadka ah ee ay dhallinyarta qaar billowday isticmaalkiisa.
Tariq Omar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in wixii markaas ka dambeysay ay u kuur-galeen arrinkan si ay wax badan uga ogaadaan xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada mukhaadaraad ahaan u isticmaasha neefta ka qoslinta.
”Waxaan socod guurgal iyo gungaar ah ku tagnay goobaha ay dhallinyaradu wakhtiga ku qaataan waxaanna xog-ururin aan rasmi ahayn ee aan samaynay ku ogaannay, in dhallinyarada ugu badan ee isticmaasha mukhaadaraadkan ay yihiin kuwa asal ahaan ajnabiga ah. Waxaa kale oo muuqata, in isticmaalka mukhaadaraadkan ay gabdhuhu uga badan yihiin wiilasha. Gabdhahan ayaa ah kuwa ay da’doodu aad u yartahay. ” – Tariq Omar, madaxa mashruuca SAMHA Ry
Ahmed Lohja oo ka tirsan Ururka SAMHA Ry oo isna la xiriiray waalidiinta Soomaalida ah ayaa waalidiinta kala hadlay habkan cusub ee ay dhallinyaradu isu maandooriyaan. Waxaa kale oo uu Ahmed waalidka weydiiyay in ay arkeen qasacyada ay ku jirto neefta ka qoslinta oo muuqaal ahaan lagu qaldi karo qasacyada ay ku jiraan waxyaabaha hawada lagu beddelo ama lagu carfiyo ee la buufiyo.
Neefta ka qoslinta ee ay haatan dhallinyaradu isku maandooriyaan ayaa ah mid aan ur, dhadhan ama midab lagu garto lahayn. Waa mid aan ka soo urayn qofka isticmaala. Saamaynteeda maandoorineed ayaa sidoo kale ah mid aan wakhti dheer qaadan.
Marka uu qofku isticmaalo wuxuu waxyar kaddib noqonayaa qof caadi ah oo kale wuxuuna aadi karaa reerkiisa iyadoo aanan waxba laga dareeminna wuu la joogi karaa.
Dadka qaar ayaa u arka, in neefta ka qoslinta oo mukhaadaraad ahaan loo isticmaalo ay soo jiidanayso dhallinyaro badan, gaar ahaan kuwa aan doonayn in uu ehelkoodu ogaado in ay maandooriye isticmaalaan.
Si kastaba ha ahaatee, gabdhaha da’da yar ee la sheegayo in ay isticmaalka mukhaadaraadkan uga badan yihiin wiilasha ayaa ah kuwo u nugul in si khaldan looga faa’iidaysto, maadaama aanay markasta heli karin lacag ay ku iibsadaan neefta ka qoslinta.
Waxaa dhici karta in gabdhahaas yaryar lagu qalqaaliyo ka ganacsiga jirkooda si ay u helaan lacag ay ku iibsadaan neefta ka qoslinta. Haddii ay dhacdo in gabdhaha aadka u da’da yar ay noqdaan kuwa baahidaas looga faa’iidaystana waxay geliyaan meerto nololeed ay adagtahay in ay si fudud uga baxaan.
Waa maxay xalku?
Ahmed Lohja ayaa sheegay in xalku yahay mid ku xiran wadashaqeyn dhexmarta waalidka, dhallinyarada, ururada arrimaha bulshada ka shaqeeya, dugsiyada, xarumaha dhallinyarada iyo booliska.
Waxaa kale oo uu xalku ku imaan karaa sida uu Ahmed Lohja sheegay, in la kordhiyo ogaalka iyo wararka ku saabsan halista ka dhalan karta isticmaalka neefta ka qoslinta ee loo isticmaalayo in la isku maandooriyo.
”Waa muhiim in dugsiyada iyo ururada oo kaashanaya khubarada caafimaadka ay waalidiinta iyo dhallinyarada u qabanqaabiyaan kulamo joogtaysan oo si furan looga hadlayo dhibaatada caafimaad, maskaxeed iyo bulsho ee ka dhalanaysa marka uu qofka dhallinyarada ah neefta ka qoslinta u isticmaalo hab mukhaadaraad ah.
Dugsiyada ayaa sidoo kale nidaamkooda waxbarashada ku dari karaa qayb ay ardayda uga wacyigelinayaan guud ahaan mukhaadaraadka gaar ahaan noocaan maandooriye ee hadda soo baxay.
Isticmaalka neefta qosolka ayaa la sheegayaa in ay Finland ka billaabeen dhallinyaro ka soo laabatay dalka Ingiriiska (UK).
URURKA SAMHA RY
Ururka SAMHA Ry waa urur ay aasaseen dad dalka u soo guuray ama uu asalkoodu ka soo jeedo dad dalka u soo guuray.
Ururka SAMHA Ry waxaa la aasaasay sannadkii 2009 ujeedadda laga lahaa welina laga leeyahayna waa in uu bulshada ka caawiyo fahamka iyo ogaanshaha dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka iyo sida khaldan ee mukhaadaraadka loo isticmaalo.
Waxaa kale oo uu ururka u taagan yahay in uu bulshada ka caawiyo sida looga badbaxo hawlaha adag ee la xiriira maamulka, sida loola qabsado bulshada Finlnad iyo sida uu qofku caawimaad ugu helo xaaladihiisa nololeed ee kala duwan.
Ahmed Lohja oo Ururka SMAHA Ry ka tirsan oo ka hadlay waxqabadkooda ayaa yiri:- ”Haddii aan nahay ururka SAMHA RY waxaan doonaynaa, in aan abuurno mustaqbal ay dadka oo dhan fahmaan islamarkaasna gartaan dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka iyo sida khaldan ee mukhaadaraadka loo isticmaalo.
Waxaan ku dadaalaynaa, in aan ka hortagno dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka soo gaara iyo in aan dadka asalkooda kala duwanyahay siinno macluumaad iyo agab ay uga soo dhalaalaan nolosha maalinlaha ah iyo dhibaatooyinka ku xeeran ee la socda.”
Macluumaadka neefta ka qoslinta (ilokaasu) ee ay dhallinyarada qaar mukhaadaraad ahaan u isticmaalaan
Waxaa laga yaabaa in ay adkaato ogaanshaha isticmaalka neefta ka qoslintu, sababtoo ah waa neef aan midab, dhadhan iyo urba lahayn.
Waxaa intaas dheer, in saameynta sakhradda neefta ka qoslintu ay qaadato wakhti gaaban, qiyaastii labo daqiiqo marka ay maaddadu hawo ahaan sambabada ka soo baxdo kaddib.
Saameynteeda wakhtiga gaaban ah darteed ayeey dadka isticmaalaahi isku daba-qabtaan isticmaalkeeeda, markaasna waxaa kordhaya halis ah, in qofku miyir-beelo ama xaalad adag galo.
Marka uu qofku isticmaalayo neefta ka qoslinta, waxaa qofka isaga darma wakhtiga iyo goobta uu joogo. Neefta ka qosilintu waxay qofka isticmaalaya siisaa farxad xad-dhaaf ah waxayna gelisaa isku qasnaan ah.
Marka meefta ka qoslinta waxyaabo kale lala isticmaalo, sida khamri, waxaa kordhaysa halista hoos u dhaca neefsashada, taas oo kordhinaysaa halista ah in neeftu ay qofka ku xiranto. Neefta ka qoslinta waxaa si toos ah looga isticmaalayaa xabbadda ama qasaca ay ku jirto iyadoo la adeegsanayo buufin ama qalabka kale.
Waxaa la helaa xabbadaha neefta ka qoslinta iyagoo yaryar oo bir ah (qiyaastii 10 cm) iyo iyagoo waaweyn oo balaastiig ah (1–1,5 l).
Neefta ka qoslinta iyo sida isbitaallada loogu isticmaalo
Neefta ka qoslinta ee daawo ahaan loo isticmaalayo waxaa markasta lagu daraa ogsojiin, halka marka mukhaadaraad ahaan loo isticmaalayana ay dadku isticmaalaan neefta oo kaligeed ah.
Saamaynta wakhtiga fog ee isticmaalka neefta ka qoslinta
Waxaa la ogaaday, in isticmaalka neefta ka qoslintu uu sababo yaraanta fitamiinka B12, laakiin wuxuu saameyn karaa waxyeellanada u geysan karaa sidoo kale dhuuxa lafta iyo hab-dhiska meelaha ay ku dhammaadaan dareenwadyada.
Haysashada ama isticmaalka neefta ka qoslintu ma ahan sharcidarro, laakiin in ujeeddo mukhaadaraad darteed loo sii gudbiyo ayaa ah mid sharciga ka soo horjeedda.
SSMV