Finland waxaa laga helay 344 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimco 30.10.2020 laga helay feyruska korona 344 qof oo hor leh dalkaan Finland. Waana tiradii ugu badnayd ee hal mar intaas oo qof oo hor leh laga helo dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 910 qof.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa, taasoo tiradii shalay laga helay ay ku darsantay 178 qof..
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (73 qof), Espoo (50 Qof), Turku (40 qof) Vantaa (34 qof), Vaasa (22), Oulu (16 qof), Salo (10 qof) iyo Pirkanmaa (13 qof), Kantahame (11 qof), Rovaniemi (5 qof).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay | 18 795 519 | 45 148 790 |
Tirada u dhimatay feyruska | 502 214 | 1 182 908 |
Tirada ka bogsatay | 7 339 313 | 30 360 062 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub dhimashada | Tirada guud dhimashada |
1 | Maraykanka | 9,2 milyan | 91 530 | 1 047 | 234 177 |
2 | Hindiya | 8,0 milyan | 49 281 | 568 | 12 1131 |
3 | Baraaziil | 5,5 milyan | 26 647 | 565 | 159 033 |
4 | Ruushka | 1,5 milyan | 17 717 | 366 | 27 301 |
5 | Faransiiska | 1,2 milyan | 46 637 | 235 | 36 020 |
6 | Spain | 1,23 milyan | 23 580 | 173 | 35 639 |
7 | Arjantiin | 1,14 milyan | 13 267 | 371 | 30 442 |
8 | Kolombiya | 1,05 milyan | 11 187 | 173 | 30 926 |
Xigasho: YLE, Worldmeters.info