Finland waxaa laga helay 423 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis
Axad 22.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 423 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 21 639 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 57 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 281 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 26 qof, waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa 23 qof. Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 145 qof, Espoo: 60 qof, Vantaa: 53 qof, Tampere: 19 qof, Oulu: 15 qof, Joensuu 14 qof, Turku: 8 qof, Rautalampi: 8 qof, Riihimäki: 7 qof, Jyväskylä:6 qof, Hyvinkää: 6 qof, Lähti:6 qof, Järvenpää: 5 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashada ayaa maraysa tan iyo intii uu xanuunkaan safmarka ah ka bilowday dalkaan Finland 375 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
16 250 799 | 58 275 808 |
Tirada u dhimatay feyruska |
368 554 | 1 382 149 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|