Finland waxaa laga helay 469 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis
Sabti 21.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 469 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 21 216 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 52 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 341 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 20 qof, waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa 18 qof. Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 188 qof, Espoo: 62 qof, Vantaa: 59 qof, Oulu: 16 qof, Joensoo: 16 qof, Lähti: 15 qof, Nokia: 9 qof, Turku: 7 qof, Jyväskylä: 7 qof, Tampere: 5 qof, Kouvola: 5qof, Pohjois-Savo: 7 qof, Järvenpää, Nurmijärvi, Hyvinkää, Tuusula, Alajärvi, Kerava: Magaalöo kastaa 4 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashada ayaa maraysa tan iyo intii uu xanuunkaan safmarka ah ka bilowday dalkaan Finland 375 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
16 030 104 | 57 706 448 |
Tirada u dhimatay feyruska |
364 806 | 1 373 695 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||