Finland waxaa laga helay 288 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 3 dhimsho cusub ah
Arbaca 18.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 288 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 935 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 50 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 174 xaaladood oo cusub Helsinki: 95 qof, Espoo: 30 qof, Vantaa: 25 qof, Turku : 14 qof, Oulu: 12 qof, Uusikaarlepyy: 8 qof, Kouvola: 7 qof, Mikkeli: 7 qof, Sodankylä iyo Nurmijärvi: 5 qof magaalo kasta, Kirrkonummi, Kotka, Tampere, Pedersören: 4 qof magaalo kasta, Tornio, Pieksämäki, Joensuu, Pietarsaari, Kerava: magaalo kasta 3 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 90 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 12 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Laga bilaabo isniintii la soo dhaafay waxaa tirada dadka u baahan daryeelka isbitaalka ku soo korodhay 10 qof. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 3 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 374 qof. Tirada dadka dhintay ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa waa 294 qof. Dadka dhintay 153 qof oo ka mid ah waxaa ay da’doodu u dhexeysay 80-89 sano jir.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
14 512 522 | 55 624 562 |
Tirada u dhimatay feyruska |
333 255 | 1 337 320 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|