Finland waxaa laga helay 228 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Talaada 17.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 228 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 647 qof. Muddo laba toddobaad gudahood ah ayaa laga helay feyruska 3 010 qof. Taasoo ka badan 222 xaaladood labadii toddobaad ee ka sii horreysay inta qof ee laga helay feyruska.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 35 magaalo.Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 154 xaaladood oo cusub iyo Waaxda caafimaadka ee Varsinais-Suomi oo laga helay 33. Helsinki: 88 qof, Espoo: 27 qof, Vantaa: 26 qof, Turku :23 qof, Lahti: 6 qof, Tampere: 5 qof, Pori: 5 qof, Salo: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Oulu: 4 qof , Kuopio: 3 qof, Porvoo: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Raahe: 2 qof, Mäntsälä: 2 qof, Seinäjoki: 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 80 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 2 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 371 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
14 238 081 | 55 021 938 |
Tirada u dhimatay feyruska |
327 430 | 1 326 451 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|