Finland waxaa laga helay 104 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Finland waxaa laga helay 104 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Isniin 16.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 104 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 419 qof.
Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 78 xaaladood oo cusub. Helsinki: 35 qof, Vantaa: 23 qof, Espoo: 13 qof, Oulu 5 qof, Kouvola 5 qof, Kerava 2 qof, Sipoo 2 qof, Tornio 2 qof, Mikkeli 2 qof, Kruunupyy 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 80 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 2 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 371 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
13 887 218 | 54 370 186 |
Tirada u dhimatay feyruska |
321 373 | 1 316 371 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|