Finland waxaa laga helay 213 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Axad 15.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 213 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 315 qof.
Laba toddobaad gudahood ayaa lagu diiwaangeliyay 3 024 qof, kuwaasoo 157 qof ka badan tiradii la helay labadii toddobaad ee ugu dambaysay. Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 162 xaaladood oo cusub.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada maraysaa 369 qof.
Illaa iyo 26 magaalo ayaa laga soo sheegay xaaladaha cusub ee faafista feyruska ah, Helsinki: 66 qof, Vantaa: 43 qof, Espoo: 31 qof, Turku: 11 qof, Oulu: 9 qof, Hyvinkää:7 qof, Kouvola: 6 qof, Vihti: 6 qof, Nurmijärvi: 4 qof, Mikkeli: 4 qof, Kemi: qof, Joensuu: 3 qof, Pori: 2 qof, Järvenpää: 2 qof, Tornio: 2 qof, Rauma: 2 qof, Sipoo: 2 qof, Kauniainen, Uusikaupunki, Kokkola, Kuopio, Kruunupyy, Imatra , Tampere, Lieto, Hämeenlinna oo min 1 qof ah.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
13 714 236 | 53 927 158 |
Tirada u dhimatay feyruska |
318 795 | 1 301 431 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada | |
1 | Maraykanka | 11,2 milyan | 157 253 | 1 260 | 251 256 | |
2 | Hindiya | 8,81 milyan | 41 659 | 449 | 129 674 | |
3 | Baraaziil | 5,84 milyan | 29 463 | 727 | 165 673 | |
4 | Faransiiska | 1,95 milyan | 32 095 | 354 | 44 246 | |
5 | Ruushka | 1,90 milyan | 22 702 | 391 | 32 834 | |
6 | Spain | 1,49 milyan | 21 371 | 308 | 40 769 | |
7 | Ingiriiska | 1,34 milyan | 26 860 | 462 | 51 766 | |
8 | Arjantiin | 1,30 milyan | 8 468 | 262 | 35 307 | |
9 | Kolombiya | 1,19 milyan | 8 307 | 160 | 33 829 | |
10 | Talyaaniga | 1,14 milyan | 37 255 | 544 | 44 683 | |
10 | Mexico | 1,003 milyan | 5 860 | 635 | 98 259 | |
Xigasho : YLE, HS, Aljazeera, Worldmeter |