Finland waxaa laga helay 316 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Jimce 13.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 316 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 18 858 qof.
Magaalooyinka ugu badan ee laga helay feyruskana waa sidatan soo socota: Helsinki: 76, Mikkeli: 53 qof, Espoo: 43 qof, Vantaa: 31 qof, Turku:19 qof, Pieksämäki: 10 qof, Kainuu: 7 qof, Oulu:7 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 73 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada ayaa haatan maraysa 369 qof, kaddib markii ay hay’addu sheegtay maanta in afar qof oo dheeraad ah ay u dhinteen feyruska korona.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
13 241 077 | 52 733 290 |
Tirada u dhimatay feyruska |
311 558 | 1 292 439 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|