Finland waxaa laga helay 412 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Axad 08.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in labadii maalmood ee ugu dambeysay laga helay feyruska korona 412 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 17 797 qof.
Waxaa feyruska laga helay 59 magaalo oo Finland ka tirsan. Tirada dhabta ah ee magaalooyinka laga helay feyruska lama oga, waayo hay’adda THL sooma gudbiso magaalooyinka tirada dadka laga helay feyruska ay ka yar tahay 5 qof.
Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa sidatan soo socota: Helsinki 115, Espoo 70, Vantaa 44, Turku 37, Oulu 15, Kuopio 10, Tampere 10, Tornio 9, Rovaniemi 7, Nurmijärvi 6, Joensuu 5, Kirkkonummi 5.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 68 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana illaa iyo hadda la soo gudbiyay in ay dalkaan Finland feyruska korona u dhinteen 362 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
11 881 673 | 48 832 675 |
Tirada u dhimatay feyruska |
291 506 | 1 249 734 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info |