Finland waxaa laga helay 109 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 2.11.2020 laga helay feyruska korona 109 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 400 qof.
Illaa iyo 21 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 123 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 18qof ah iyo Kymenlaakso 10 qof ah.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (26 qof), Espoo (26 Qof), Vantaa (15 qof),Turku (8 qof), Kouvola (4 qof), Lappeenranta (3 qof), Oulu (3 Qof), Kuopio (3 qof), Nurmijärvi (2 qof), Muurame (2 qof), Salo (2 qof), Kerava (2 qof), Porvoo (2 qof).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 13 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Qaybta daryeelka ee caadiga 10 bukaan ayaa ku soo darsantay tiradii Jimcihii, qeybta xaaladda aadka u darana 3 bukaan ayaa ku soo kordhay.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in hal qof oo cusub uu u dhintay feyruska korona dalkaan Finland, Taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 359 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay |
19 842 748 | 46 688 370 |
Tirada u dhimatay feyruska |
512 056 | 1 202 605 |
Tirada ka bogsatay |
7 624 588 | 31 095 106 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan
Xigasho: YLE, Worldmeters.info |