Waxaa 25.11.2024 magaalada Helsinki lagu daahfuray ururkii ugu horeeyay oo ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed ee Finland ku nool.
Ururkan ayaa waxaa aasaasay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata xarumaha qaar kamid ah goobaha waxbarashada Finland ee tacliinta sare lagu dhigo.
Ujeedadda ururkan loo aasaasay ayaa ah in ardayda Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan ay helaan madal iyo meel ay afkaar isku weydaarsadaan, fursadaha shaqooyinka uga hadlaan iyagoo kaashanaya shirkadaha, ururada iyo hay’adaha shaqooyinka bixiya.
Waxaa kale oo qorshuhu yahay in ururku uu wax la qabto ardayda Soomaaliyeed ee dalkii hooyo joogta waxaana xusid mudan in uu ururka durbaba la saxiixtay heshiis-is-afgarad wadashaqeyni ku xigta Jaamacadda Hargeisa.
Sakariah Ishak oo ah qofka fikradda aasaaska ururkan leh ayaa sheegay in uu isagu dareemay waayo-aragnimana u leeyahay sida ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku cusub dalka Finland ay ugu adagtahay in ay helaan waxbarasho gaar ahaan tan heerka sare sida jaamacadaha.
Ugu dambeyn ururka ayaa soo bandhigay qorshe ay ku caawinayaan ardayda Soomaaliyeed ee u baahan in laga caawiyo fahamka nidaamka waxbarashada Finland, siyaabaha looga faa’iidaysan karo jihooyinka iyo tubabaha kala jaadka ah ee waxbarashada rasmiga ah loo sii mari karo.
Faahfaahinta dheeraadka ah ee waxqabadka ururka, xogta iyo macluumaadka loogu talagalay ardayda iyo guud ahaan macluumaadyo waxtarka u leh ardayda waxaa laga heli karaa bogga internetka ee rasmiga ah ee ururka oo ah: https://www.somaliopiskelijat.fi/etusivu/
Guddoomiayaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Finland Sakariah Ishak ayaa sheegay in hadafyadoodu ay ku jirto, in ay la xiriiraan Jaamacadaha Soomaaliyeed wadashaqeyana la sameeyaan.