Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee nabadda iyo dhexdhexaadinta u qaabilsan wasiirka arrimaha dibadda Finland oo safar nabadeed ku tegay dalalka Geeska Afrika iyo dalal kale (warbixin+sawirro)

Mudane, diblumaasi Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Finland oo socdaal shaqo oo nabadda iyo dhexdhexaadinta gobolka daaran ku tegay Geeska Afrika ayaa safarka ka billaabay dalka Qatar oo ay Finland si dhow uga wadashaqeeyaan arrimaha nabadda caalamka, gaar ahaan tan Geeska Afrika.

Diblumaasi Suldaan oo uu wehliyo Safiirka Finland u fadhiya dalka Qatar ayaa Doha kula kulmay Qatar Danjire Amb. Faisal Al Henzal isagoona kala hadlay qorshaha safarkiisa nabadeed ee Geeska iyo arrimaha nabadda la xiriira ee ay tahay in labada dhinac ay ka wadashaqeeyaan.

Amb. Faisal Al Henzal
Envoy Suldaan Said Ahmed and
Head of the Unit of East and Southern Africa Mr. Jukka Pajarinen

Kahor inta aanu Ergaygu ka ambabixin Qatar ayuu wuxuu kulan casho iyo is-xogwareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacstadaha ugu waaweyn dalka Qatar.

JABUUTI

Safarka Doha kaddib ayuu Mudane Suldaan Said Ahmed u ambabaxay Geeska Afrika iyadoo uu safarka nabadeed ku wehliyo Madaxa waaxda Bariga iyo Koonfurta Afrika ee wasaraadda arrimaha dibadda Finland mudane Jukka Pajarinen. Safarka oo ka billowday dalka Jabuuti, ayuu kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jabuuti Mudane Djama Souleiman Ali, Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Mudane Abdoulkader Kamil Mohamed iyo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Mahmoud Ali Youssouf iyo madax ka tirsan ururada bulshada.

Dhexdhexaadiye Suldaan Said ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanaa sharafna u ahayd in isagoo metalaya xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland uu madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyo dhambaal uu ka siday madaxweynaha Finland.

Kulamada Jabuuti uu ku yeeshay diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa waxaa kamid ah kulan uu la yeeshay ganacsatada waaweyn ee saldhigoodu yahay dalka Jabuuti, wuxuuna kala hadlay doorka ay ganacsatadu ka qaadan karto nabadda iyo xasiloonidda Geeska Afrika. Ganacsatada ayaa intuu kulanku socday sidoo kale ergayga ku maamustay qado-sharaf heer sare ah oo ka dhacay magaalada Jabuuti. Ergeyga ayaa sidoo kale kula kulmay Djibouti safiirada dalalka Soomaaliya, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

SOOMAALIYA

Ergayga gaarka ah ee wasaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo weli safarkiisi Geeska Afrika ku jira ayaa ka degay magaalada Muqdisho. Ergayga ayaa durbadiiba billaabay kulamo gaargaar ah oo uu la yeelanayo madaxda Soomaaliya, madaxda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan iyo hoggaamiyayaasha ururada Bulshada.

Mudane Suldaan Said Ahmed ayaa Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed ee Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha iyo ergayga ayaa ka wadahadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Finland iyagoona si gaar ah farta ugu fiiqay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika. Ergayga ayaa sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ku wareejiyay dhambaal qoraal ah uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland Mudane Alexander Stubb.

Diblumaasi Suldaan oo weli ku gudajira safarkiisa shaqo ee Soomaaliya ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Ali Yusuf Hosh islamarkaana kala hadlay dhisidda nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Mudane Suldaan ayaa intuu ku jiray booqashada Soomaaliya kulamo kala gaargaar ah la qaatay ururada bulshada iyo bahda waxbarashada. Goobaha uu booqday Ergayga ayaa waxaa kamid ah jaamacadda Muqdisho (Mogadishu University).

Dhanka kale, kulan Muqdisho ku dhexmaray Diblumaasi Suldaan Said Ahmed iyo ardayda dhallinyarada ah ee iskood isu-xilqaantay una dhaqdhaqaaqda nabadda iyo xasiloonidda ayeey dhallinyaradu kula wadaageen ergayga waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaashooda waxqabadka mustaqbalka ee ay doonayaan in ay kaga qaybqaataan nabadda iyo xasiloonidda dalka.

Suldaan ayaa sheegay in uu aad ula dhacay sheekooyinka niyad-dhiska iyo rajo abuurka leh ee dhallinyarada SPI la wadaageen.

ITOOBIYA

Ergayg gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, Suldaan Said Ahmed oo weli ku jira safarkiisi nabadeed ee uu gobolka ku marayo ayaa Addis Ababa  kula kulmay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga Moach.

Photo: Ministry of-foreign affairs of Ethiopia

Kulanka kaddib ayaa barta X ee wasaaradda arrimaha dibadda la soo dhigay qoraal ku saabsan kulanka labada mas’uul. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in kulan mira-dhal ah uu wasiiru dowluhu la qaatay Diblumaasi Suldaan Said Ahmed iyo in ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Finland iyo Itoobiya. Muhiimadda nabadda iyo xasiloonidda Geeska Afrika ayeey sidoo kale labada mas’uul ka wadahadleen.

Photo: MP Zemzem Ahmed
Photo: MP Zemzem Ahmed

Koox mas’uuliyiin ah oo ay hoggaaminaysay Xildhibaanad Zemzem Ahmed oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Itoobiya una dhaqdhaqaaqda arimaha nabadda ayaa Diblumaasi Suldaan Said Ahmed kulan xog-wareysi ah kula yeeshay Addis Ababa. Xildhibaanad Zemzem ayaa kulanka kaddib sheegtay in ay wadahadal wax ku ool la qaateen ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane Suldaan Said Ahmed.

Photo Samuel Getachew

Ergayga ayaa sidoo kale kulamo kala gooni-gooni ah la qaatay suxufiyiin, Ha’yado caalami ah iyo gudoomiyayaasha komishanada xuquuqal insaanka iyo wadahadalada qowmiyadaha Itoobiya.

Safarka ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ay gobolka ka jiraan kala-bood iyo hubanti la’aan siyaasadeed, qalqal amni, colaado sokeeye oo cakiray xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan dalalka Geeska Afrika iyo cunno-yaraan loo aanaynayo isbeddelka cimilada.

Safarada nabadeed ee uu Diblumaasi Suldaan ku tegayo Geeska Afrika ayaa muujinaya sida ay Finland uga go’antahay nabad ku soo dabbaalidda iyo horumarinta Geeska Afrika iyadoo u maraysa diblumaasiyad dhexdhexaadnimo ku shaqaysa iyo aragtida ah, in nabadda laga wada qaybqaato oo aan cidna laga tegin.

Xuquuqda sawirrada:

Xuquuqda sawirrada: Xafiiska Ergayga gaarka ah, Villa Somalia, Jaamcadda Muqdisho (Mogadishu University)