Siyaasi, diblumaasi Suldaan Said Ahmed oo shaaciyay inuusan u tartamayn doorashada Golaha Deegaanka Helsinki

Suldaan Said Ahmed Photo: Outi-Jarvinen
Suldaan Said Ahmed ayaa ku dhawaaqay inuusan u tartamayn doorashooyinka Golaha Deegaanka Helsinki ee la filayo inay dhacaan 2025.
Suldaan, oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Helsinki, kana mid ahaa xubnaha ugu waqti dheer golahaas, ayaa sheegay inuusan mar kale isu soo sharixi doonin sababo isaga u gaar ah dartood.
Suldaan Said Ahmed wuxuu hadda yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan nabadeynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika. Horeyna, wuxuu u soo noqday xildhibaan heer qaran, isaga oo ahaa xildhibaankii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland.
Isagoo la hadlaya taageerayaashiisa, Suldaan wuxuu ugu baaqay inay codkooda siiyaan qof kasta oo ay u arkaan inuu u adeegayo danta bulshada, dhaqanka iyo diinta. Sidoo kale, isagoo ka faa’iidaysanaya fadliga bisha Ramadaan, wuxuu ugu baaqay dadka inay is cafiyaan.