Shaqo-joojinta shaqaalaha dukaamada cuntada oo berri billaabanaysa- sidan ayeey nololmaalmeedka u saamaynaysaa

Sawirka- K-Citymarket HML:Abdi Musse-SSMV

Ka gadaal markii lagu heshiin waayay wadahadalkii u dhexeeyay shaqo-bixiyayaasha iyo shaqaalaha ee uu garwadeenka ka ahaa dhexdhexaadiyaha qaranka ayaa waxaa berri oo Arbaca ah kuna beegan 19.2.2025 billaabmaysa shaqo-joojin baahsan oo illaa subaxda Sabtida ah ee soo socota soconaysa.

Shaqaalaha shaqo-joojinta ku dhaqaaqay ayaa ka tirsan iskaashatada PAM waxayna u hardamayaan in mushaarka loo kordhiyo.

Danwadaagta dukaamada cuntada ugu weyn ee kala ah S-ryhmä iyo Kesko ayaa sheegay in ay dukaamada iyaga hoostaga furan yihiin inta lagu jiro shaqo-joojinta, laakiin ay dhici karto in goobaha qaarkood la furo ama la xiro wakhti ka duwan kan caadiga ah ee ay ku shaqayn jireen wakhtigii hore ee aanay shaq- joojintu jirin.

Dukaamada Lidl oo kamid ah dukaamada baaxadda leh ee cuntada iibiya shaqo-joojintuna saamaynayso ayeey madaxdiisa Finland sheegeen, in dukaamadu furan yihiin balse ay dhici karto in isbeddel ku yimaado badeecaddaha yaal dukaamada iyo wakhtiyada ay furan yihiin.

Waxaa horay shaqo-joojin ugu jiray shaqaalaha lojistakada dukaamada kuwaas oo ay shaqo joojintoodu soconayso illaa iyo Khamiista ku beegan 20.2.2025.

Halkan kala soco wax kasta oo ku soo kordha shaqo joojinta saamayn karta nolomaalmeedka dadka caadiga ah.

SSMV