
Helsinki – Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Helsinki maalinimadii Jimcaha, ayna ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha jaaliyadda Midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto iyo haldoorka magaalada oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, waxgarad, dhallinyaro iyo haween, ayaa waxaa halkaasi kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa Golaha deegaanka Helsinki Ahmad Noor Hassan, kana codsaday bulshada Soomaaliyeed inay codkooda siiyaan.
Doorashada Golaha Deegaanka Finland ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta 13.4.2025 iyadoo doorashada hordhaca ah ay dhici doonto 2-8.4.2025, iyadoo sanadkan Soomaali badan oo kala deggan waddanka daafihiisa oo u tartamayaan ka mid noqoshada Golaha deegaanada kala duwan.
Ahmad Noor Hassan oo ah shakhsi u ololeeya arrimaha bulshada iyo samofalka, isla markaana ka qeyb qaatay dhisidda masaajiddo, caawinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto Yasin Abdi Rage ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan codka lala seexan, xilli dalku isbedel xoog leh u baahan yahay, isagoo sheegay in musharax Ahmad Noor mudan yahay in sanadkan la taageero.

Mar uu ka jawaabay ka qeybgalkiisa xafladaha musharixiinta, waxa uu sheegay in uu u tegayo cid walba oo casuunto.
Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay Maama Kiin, Deeq Gurxan iyo marti sharaf kale ah oo aad u qiimo badan.

Ugu dambeyntii, Musharax Ahmad Noor ayaa ka codsaday bulshoweynta Soomaaliyeed in ay codkoodsa siiyaan, ballanqaadeyna in codkoodu wax weyn ku soo biirin doono bulshada Soomaaliyeed.