Mucaaradka Finland oo ka soo horjeestay qorshe la sheegay in xukuumaddu ku dhimayso qoxootiga la soo qaadanayo ee ka soo jeeda dalalka Muslimka ah

Photo Abdi Musse-ssmv

Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in xukuumadda Finland, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha oo kamid ah wasaaradaha uu Xisbiga midigtu (PS) awood qaybsiga siyaasadeed ku helay  ay diyaarinayso qorshe lagu yaraynayo qoxootiga la soo qaadan jiray ee ka soo jeeda dalalka Muslimka ah.

Xildhibaannada xisbiyada sooshal dimuqaaridga (SDP)  iyo Cagaarka (Vihreät) ayaa Arbacadii (9.10.2024) ku eedeeyay wasiirada xukuumadda ee ka tirsan xisbiga PS in ay baalmareen habraaca xukuumaddu horay u shaacisay ee ku saabsan soo qaadashada qoxootiga iyadoo aan loo eegeyn diinta, dalka ama dhaqanka ay heystaan.

Waxaa kale oo ay mucaaradku ku eedeeyeen wasiirada maamula wasaaradda arrimaha ee ka tirsan xisbiga PS cunsurinimo iyo naxariis-darro.

Xildhibaanad Fatim Diarra oo ah mudan ka tirsan baarlamaanka Finland lagana soo doorto safka xisbiga Cagaarka (Vihreät) oo war ka soo saartay qorshaha lagu soo xulanayo qoxootiga ayaa sheegtay, in tallaabadan ay tahay takoor cad oo dhinaca diinta ah.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Finland ayaa looga fadhiyaa in ay go’aan ka soo saarto bishan Oktoobar dalalka laga soo qaadanayo qoxootiga ama haddii si kale loo dhigo dalalka ay ka soo jeedaan qoxootiga ay Finland soo qaadanayso sannadka dambe. Baarlamaanka Finland ayaa go’aanka kama dambaysta ah ka gaaraya arrinkan dhammaadka sannadka.

Kal hore ayeey xisbiyada xukuumaddu go’aamiyeen in qoxootiga la soo qaadanayo tiradooda la yareeyo lagana dhigo 500 oo qofood, halkii ay tiradu ka ahayd dhammaadkii xukuumaddii hore 1050 qofood.