Magaalada Helsinki oo adduun dhan 350, 000 yuuro (saddex boqol iyo konton oo yuuro) ku caawinaysa Gaza, Falastiin

Kaddib markii ay Mia Haglund oo ka tirsan xisbiga bidixda (Vasemmistoliitto) xubinna ka ah golaha deegaanka ee Helsinki soojeedisay in gargaar bani’aadminnimo ay magaalada Helsinki siiso dadka Reer Falastiin ee ku dhibaataysan magaalada Gaza weerarka Israa’iil dartiis, ayuu golaha deegaanka ee magaaladu soojeedintaas aqbalay.

Mia Haglund oo ah xubin ka tirsan Golaha deegaanka ee looga arrimiyo magaalada Helsinki, caasimadda Finland ayaa soojeedinteeda ku salaysan, in baahida gargaar ee ka jirta Gaza ay tahay mid baaxad weyn.

Haglund ayaa sidoo kale xustay, in magaalada Helsinki ay tahay mid caalami ah oo leh istaraajiyad mas’uuliyadeed oo heer caalami ah.

Xubnaha Xisbiga Isbahaysiga (Kokoomus) iyo Xisbiga midig fog ee Perussuomalaiset ee ka tirsan Golaha deegaanka Helsinki ayaa farta ku goday qorshaha lagu taageerayo reer Gaza. Dooddooda ayaa ku salaysnayd in caawinta reer Gaza ay tahay mid dowladda Finland u taal.

Si kastaba ha ahaatee, soojeedintan oo ay si wadajir ah isaga kaashadeed wakiilada golaha deegaanka Helsinki ee xisbiyada Vasemmistoliitto, Vihreät iyo RKP iyo SDP ayuu Golaha deegaanka ee magaaladu oggolaaday.

Maamulka magaalada ayaa ka baaraandegaya go’aanka kama dambeysta ahna ka gaaraya in gargaarka la siinayo Gaza iyo in kale.

Haddii la oggolaado bixinta gargaarka, waxaa la sii marsiinayaa Laanqayrta Cas, Unicef, Ururka Badbaadiya Carruurta iyo Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (Punaisen ristin, Unicef, Pelastakaa lapset ry ja Lääkärit ilman rajoja ry).