Madaxweynaha Finland Stubb iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku tegay Turkiye– Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda Geeska Afrika Suldaan Said Ahmed oo wefdiga qayb ka ahaa

Presidentti Alexander Stubb tapasi Turkin presidentti Recep Tayyip Erdoğanin Ankarassa 1. lokakuuta 2024. Kuva: Matti Porre/Tasavallan presidentin kanslia

Madaxweynaha Finland Alexander Stubb oo hoggaaminaya wefdi ballaaran oo ay ku jirto wasiiradda arrimaha dibadda Finland Marwo Elina Valtonen ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Turkiye isagoona halkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiye Madaxweyne Erdogan. Labada madaxweyne oo war rasmi ah ka soo saaray dhammaadka kulankooda ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan tusaale ahaan nabad ku soo dabbaalidda dunida haatan colaadaha u durbaan-tumaysa.

Arrimaha nabadda Geeska Afrika oo kamid ahaa waxyaabaha diiradda lagu saaray wadahadalka heerka sare ah ee u dhexeeya labada dowladood ee Finland iyo Turkiye ayaa waxaa qayb ka ahaa warbixin ku saabsan xaaladda Geeska Afrika oo uu bixiyay Diblumaasi Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.

Mudane Suldaan oo ka hadlayay madal doceed aragti iyo afkaar wadaag ahayd oo ay Hay’adda CMI soo qabanqaabisay ayaa sheegay in Afrika gaar ahaan Geeska Afrika ay joogaan bulsho dhallinyaro ah oo aad u ballaaran, kuwaas oo u heellan xallinta dhibaatooyinkooda.

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa sheegay in uu sidoo kale kulan miradhal ah la qaatay Agaasimaha guud ee Dhexdhexaadinta caalamiga ah ee wasaraadda arrimaha dibadda Turkiye danjire Timur Soylemez.

 

Diblumaasi Suldaan ayaa sidoo kale sheegay, in Finland ay taageereyso hindisaha ay dhallinyarada gobolku wadato ee ay ku raadinayaan xal ku habboon dhibaatooyinkooda. Sidaas si lamid ah ayeey Finland u taageereysaa hindisayaasha nabadda ee maxalliga ah ee ay wadaan hoggaamiyaasha dhaqanka iyo bulshada ee gobolka.

Xiriirka Finland iyo Turkiye ayaa 100 sano jirsaday waxaana xusid mudan in labada dal ay haatan ka wada tirsan yihiin Gaashaanbuurta NATO oo ay Finland Cirifka Woqooyi ee dunida ka ilaaliso halka Turkiguna uu gaarka ka hayo barta ay iska galaan qaaradaha Aasiya iyo Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Finland Elina Valtonen oo ujeedada safarka wefdiga Finland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Stubb ku sheegtay mar ay kulan la lahayd dhiggeeda Turkiga mid taariikhi ah oo natiijada ka soo baxdo ay labada dalka ka faa’iidi doonaan.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu madaxweyne Stubb ku tago dalka Turkiye tan iyo markii uu hoggaanka jamhuuriyadda Finland qabtay.

Kuvat: CMI/Kim Haldin, TPK Matti Porre, Suomen edustusto Ankarassa.