Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo halyeey Cali Jayte Cusmaan ku soo dhoweysay Finland

Hoggaamiye Cali Jaye Cusmaan Photo SSMV/Mohamed Ibrahim

Xaflad soo dhoweyn iyo xogwareysi isugu jirta oo lagu soo dhoweynayay Halyeey Cali Jayte Cusmaan, La taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ahna u qaabilsanaha madaxweynaha ciidamada difaaca madaniga ah ayaa ka dhacday magaalada Helsinki waxaana madasha xafladda ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

Mudane Abdirihin Hussein Husu oo xafladda daadihinayay ayaa ku soo dhoweeyay codbaahiyaha maamulaha Ururka Kanava mudane Hadaafow oo xafladda si rasmi ah u furay.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland Towhiid oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland iyo sida ay uga dhexmuuqato bulshada Finnishka ah ee Soomaalida ku soo dhoweeyay dalkooda.

Waxaa kale oo madasha ka hadlay siyaasiyiin, xildhibaanno golaha deegaannada dalka ka tirsan, aqoonyahanno, odayaal waxgarad ah, dhallinyaro iyo dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Mudane Cali Jayte Cusmaan oo horseed u ah dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab ayaa sidoo kale ah hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo si cad dagaal ugu qaaday Argagixisada. Waxaa kale oo xusid mudan in uu lahaa aragtida ku dhisan in deegaannadu ay qaab madani ah isaga difaacaan aabiga arxanlaawayaasha argagixisada ah ee umadda xakaarisay.

Hoggaamiye Jayte oo markii uu hoggaanka dagaalka madaniga ah ee ka dhanka ah argagixisada billaabayay ahaa guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu xusuustaa sidii uu safka hore ugula jiray ciidamada madaniga ah ee dagaalka la galay argagixisada.

Dagaalkii madaniga ah ee uu Cali Jayte ku qaaday argagixisada ayaa ku ballaartay inta badan bartamaha Soomaaliya iyadoo ay hubka qaateen shacabkii u dulleysnaa argagixisada.

Aragtida ku dhisan in shacabku ka qayb ka qaato dagaalka aragagixisada looga soo horjeedo ayaa noqday mid gundhig u ah siyaasadda guud ee la dagaalka Alshabaab. Waxaa aragtidaas ka dhalatay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee loo garan ogyahay Macaawisleey ay iska kaashaadaan dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Kaddib markii ay dowladda Soomaaliya garteen baahida loo qabo abuurista hoggaan sutida u qabta dagaalka madaniga ah ee ka dhanka argagixisada, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud u magacaabay Hoggaamiye Cali Jayte Cusmaan La taliyihiisa u qaabilsan ciidamada difaaca madaniga ah.

 

Xuquuqda sawirrada: SSMV