Isniin 24.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 93 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 619 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 753 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 27 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 48 qof, gobolka Kanta-Häme oo laga helay 10 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 8 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 31 |
Vantaa | 9 |
Turku | 6 |
Hämeenlinna | 6 |
Espoo | 4 |
Mikkeli | 3 |
Kannus | 3 |
Rauma | 3 |
Riihimäki | 3 |
Parkano | 3 |
Lahti | 3 |
Kauniainen | 3 |
Pirkkala | 3 |
Tampere | 2 |
Kokkola | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 118 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 22 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 939 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 7 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 281 781 oo qof (24.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 167 818 763 | 52 590 739 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 483 822 | 1 121 519 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 800 057 | 49 215 429 |
Tirada u dhimatay feyruska | 128 771 | 648 094 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39 483 293 | 27 751 256 |
Tirada u dhimatay feyruska | 884 995 | 754 110 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |