Arbaco 24.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 803 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 73 516 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 627 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 88 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 508 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 98 qof, gobolkaa Pirkanmaa oo laga helay 52 qof iyo Päijät-Häme oo laga helay min 38 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 284 | Salo | 5 |
Vantaa | 83 | Nurmijärvi | 4 |
Espoo | 67 | Pöytyä | 4 |
Turku | 65 | Kirkkonummi | 4 |
Lahti | 31 | Raiso | 3 |
Kerava | 15 | Kuopio | 3 |
Lappeenranta | 10 | Orimattila | 3 |
Kauniainen | 8 | Imatra | 3 |
Kaarina | 7 | Kauhajoki | 3 |
Porvoo | 7 | Juva | 3 |
Kotka | 7 | Janakkala | 3 |
Jyväskylä | 7 | Hamina | 3 |
Tuusula | 7 | Kouvola | 3 |
Lohja | 6 | Laukaa | 3 |
Vihti | 6 | Kajaani | 2 |
Joensuu | 6 | Kristiinakaup. | 2 |
Hämeenlinna | 6 | Kauhava | 2 |
Oulu | 5 | Peialvesi | 2 |
Ylöjärvi | 5 | Akaa | 2 |
Naantali | 5 | Lempäälä | 2 |
Järvenpää | 5 | Taipalsaari | 2 |
Riihimäki | 5 | Lieto | 2 |
Mikkeli | 5 | Vaasa | 2 |
5 | 4 | Orivesi | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 295 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 62 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 811 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 759 827oo qof (24.03)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay | 41 718 301 | 124 932 646 |
Tirada dhimashada | 927 100 | 2 748 761 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS |