Arbaco 03.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 797 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 59 442 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 847 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 78 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 465 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 114 qof, iyo gobolka Satakunta oo 65 qof ah, sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 36 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka | |
Helsinki | 218 | Naantali | 4 | |
Vantaa | 96 | Vihti | 4 | |
Turku | 66 | Riihimäki | 4 | |
Espoo | 59 | Karkkila | 4 | |
Rauma | 55 | Rautalampi | 4 | |
Tampere | 23 | Tuusula | 4 | |
Kaarina | 16 | Myynämäki | 3 | |
Joensuu | 14 | Järvenpää | 3 | |
Lappeenranta | 14 | Mustasaari | 3 | |
Kerava | 14 | Kuopio | 3 | |
Nurmijärvi | 14 | Eura | 3 | |
Oulu | 11 | Kemiönsaari | 3 | |
Mikkeli | 9 | Uusikaupunki | 3 | |
Jyväskylä | 8 | Laittila | 2 | |
Porvoo | 8 | Lempäälä | 2 | |
Oripää | 8 | Seinäjoki | 2 | |
Kirkkonummi | 7 | Mäntsälä | 2 | |
Maarianhamina | 7 | Ylöjärvi | 2 | |
Nokia | 7 | Hämeenlinna | 2 | |
Hyvinkää | 6 | Iisalmi | 2 | |
Pori | 6 | Ylivieska | 2 | |
Kauniainen | 6 | Jokioinen | 1 | |
Lohja | 6 | Siikajoki | 1 | |
Sipoo | 6 | Vaasa | 1 | |
Lieto | 5 | Kauhajoki | 1 | |
Kontiolahti | 5 | Kittilä | 1 | |
Raasepori | 5 | Lapinlahti | 1 | |
Salo | 4 | Hanko | 1 | |
Lahti | 4 | Tammela | 1 | |
Ilmajoki | 1 | Pornainen | 1 | |
Pornainen | 1 | Sotkamo | 1 | |
Heinola | 1 | Siuntio | 1 | |
Hausjärvi | 1 | Parikkala | 1 | |
Asikkala | 1 | Kankaanpää | 1 | |
Pyhäjöki | 1 | Kotka | 1 | |
Kempele | 1 | Valkeakoski | 1 | |
Imatra | 1 | Orimattila | 1 | |
Savonlinna | 1 | Rovaniemi | 1 | |
Hollola | 1 | Kouvola | 1 | |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof, waxaana ku korodhay tiradii hore 13 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 37 qof, waxaana ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 759 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 274 qof, kuwaasoo 1 205 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 68-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
- Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.
- 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
- Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
- Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollda ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
- Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 404 436 qof (03.03).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
37 812 431 | 115 410 405 |
859 351 | 2 562 730 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |