Jimco 19.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 770 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 70 267 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 363 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 427 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 115 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 54 qof, iyo Kanta-Häme oo laga helay 30 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 252 | Porvoo | 11 |
Espoo | 74 | Hyvinkää | 10 |
Vantaa | 67 | Kerava | 8 |
Turku | 70 | Järvenpää | 6 |
Tampere | 40 | Nurmijärvi | 5 |
Hämeenlinna | 16 | Lohja | 5 |
Lappeenranta | 18 | Karkkila | 5 |
Kaarina | 12 | Uusikaupunki | 7 |
Ylöjärvi | 8 | Oulu | 6 |
Vaasa | 6 | Lahti | 5 |
Forssa | 9 | Kuopio | 8 |
Kouvola | 8 | Kotka | 6 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 271 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 55 qof, waxaana tiradii shalay ku soo korortay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 805 qof, kaddib markii THL ay sheegtay shalay in hal qof oo hor leh uu u dhintay xanuunka feyruska korona awgiis. Maanta hay’adda THL ma aanay sheegin wax dhimasho cusub ah.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 701 203 oo qof (19.03)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
40 698 572 | 122 481 607 |
910 950 | 2 705 298 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE;HS;WORLDOMETERS |