Jimce 26.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 720 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 56 407 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 1 665 qof, ayay ka badnayd tirada feyruska laga helay labadii toddobaad ee ka sii horraysay. Labadii Toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa tirada laga helay ay noqonaysaa 6 835.
Iskudarka guud illaa iyo 82 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 467 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 66 qof iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 30 qof, Gobolka Vaasa oo 28 qof ah iyo gobolka Satakunta oo 27 qof ah.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka | |
Helsinki | 237 | Raasepori | 3 | |
Vantaa | 103 | Tuusula | 3 | |
Rauma | 95 | Kotka | 3 | |
Espoo | 71 | Hyvinkää | 3 | |
Turku | 38 | Lohja | 3 | |
Vaasa | 20 | Maarianhäminä | 3 | |
Tampere | 15 | Raisio | 3 | |
Oulu | 15 | Imatra | 2 | |
Kaarina | 11 | Sastamala | 2 | |
Lappeenranta | 10 | Kemiönsaari | 2 | |
Lahti | 9 | Lempäälä | 2 | |
Jyväskylä | 8 | Kokkola | 2 | |
Riihimäki | 8 | Virolahti | 2 | |
Kerava | 8 | Salo | 2 | |
Hämeenlinna | 8 | Kurikka | 2 | |
Kirkkonummi | 7 | Pirkkala | 2 | |
Järvempää | 7 | Kannus | 1 | |
Mikkeli | 6 | Ylöjärvi | 1 | |
Närpiö | 6 | Valkeakoski | 2 | |
Nurmijärvi | 6 | Orivesi | 1 | |
Pukkila | 4 | Parkano | 1 | |
Kouvola | 4 | Ypäjä | 1 | |
Vihti | 4 | Eurajoki | 1 | |
Uusikaupunki | 4 | Huittinen | 1 | |
Porvoo | 4 | Sonkajärvi | 1 | |
Karkkila | 4 | Ii | 1 | |
Ulvila | 1 | Naantali | 1 | |
Mynämäki | 1 | Lieto | 1 | |
Forssa | 1 | Pöytyä | 1 | |
Akaa | 1 | Mäntsälä | 1 | |
Pyhäranta | 1 | Kolari | 1 | |
Suintio | 1 | Eura | 1 | |
Kauniainen | 1 | Hollola | 1 | |
Pornainen | 1 | Ilmajoki | 1 | |
Hirvensalmi | 1 | Kempele | ||
Ääneköski | 1 | Heinola | 1 | |
Nokia | 1 | Sotkamo | 1 | |
Sipoo | 1 | Mustasaari | 1 | |
Pyhtää | 1 | Harjavalta | 1 | |
Laihia | 1 | Laitila | 1 | |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 38 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 742 qof, kaddib dhimashada 2 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 232 qof, kuwaasoo 1 167 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 347 082 qof (26.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
37 161 934 | 113 653 741 |
844 207 | 2 521 289 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |