Sabti 27.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 645 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 57 052 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 045 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 84 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 384 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 73 qof, Gobolka Pohjoias-Pohjanmaa oo 26 qof ah iyo gobolka Vaasa oo 24 qof ah.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka | |
Helsinki | 195 | Raasepori | 3 | |
Vantaa | 87 | Ulvila | 3 | |
Espoo | 53 | Kempele | 3 | |
Turku | 40 | Hollola | 3 | |
Oulu | 21 | Pietarsaari | 3 | |
Vaasa | 15 | Hyvinkää | 3 | |
Rauma | 13 | Eurajoki | 2 | |
Lahti | 11 | Kuopio | 2 | |
Tampere | 11 | Hämeenlinna | 2 | |
Lappeenranta | 10 | Kokkola | 2 | |
Riihimäki | 10 | Imatra | 2 | |
Jyväskylä | 10 | Tuusula | 2 | |
Nurmijärvi | 8 | Vihti | 2 | |
Mikkeli | 7 | Eura | 2 | |
Järvenpää | 7 | Laukkaa | 2 | |
Kirkkonummi | 6 | Paimio | 2 | |
Raiso | 6 | Pukkila | 2 | |
Jomala | 6 | Rusko | 1 | |
Kerava | 5 | Ylöjärvi | 1 | |
Kemiönsaari | 5 | Pyhäjöki | 1 | |
Maarianhamina | 5 | Punkalaidun | 1 | |
Lohja | 5 | Mynämäki | 1 | |
Kouvola | 5 | Akaa | 1 | |
Rovaniemi | 4 | Mustasaari | 1 | |
Kaarina | 4 | Laihia | 1 | |
Loimaa | 3 | Somero | 1 | |
Karkkila | 3 | Maalahti | 1 | |
Närpiö | 3 | Salo | 1 | |
Sipoo | 3 | Hartola | 1 | |
Kotka | 3 | Finström | 1 | |
Pello | 1 | Kolari | 1 | |
Suintio | 1 | Loppi | 1 | |
Keuruu | 1 | Pyhtää | 1 | |
Asikkala | 1 | Taipalsaari | 1 | |
Muhos | 1 | Huittinen | 1 | |
Heinola | 1 | Uusikaupunki | 1 | |
Jokioinen | 1 | Nousisinen | 1 | |
Seinäjöki | 1 | Ylitornio | 1 | |
Janakkala | 1 | Kauniainen | 1 | |
Iisalmi | 1 | Kontiolahti | 1 | |
Hamina | 1 | Laittila | 1 | |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 38 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 742 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 232 qof, kuwaasoo 1 167 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 361 744 qof (27.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
37 312 099 | 114 086 410 |
847 601 | 2 531,280 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |