Sabti 20.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 632 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 53 285 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 6 023 qof qof, taasoo 1 095 qof ka badan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay. Tirada dadka laga helay feyruska ee maanta ayaa ah tii ugu badnayd ee hal maalin la helo, tan iyo intii cudurka safmarka ah uu ka bilowday Finland.
Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 330 qof, waxaa ku xiga gobolka Satakunta oo laga helay 92 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 77 qof laga helay iyo gobolka Vaasa oo laga helay 25 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka |
Helsinki | 171 | Sipoo | 4 |
Vantaa | 66 | Kurikka | 4 |
Pori | 64 | Porvoo | 4 |
Turku | 42 | Kerava | 4 |
Espoo | 35 | Ilmajoki | 4 |
Lappeenranta | 20 | Nurmijärvi | 4 |
Rauma | 17 | Kaarina | 3 |
Vaasa | 12 | Hämeenlinna | 3 |
Närpiö | 11 | Lohja | 3 |
Tuusula | 10 | Kotka | 3 |
Järvenpää | 9 | Heinola | 3 |
Jyväskylä | 9 | Hyvinkää | 3 |
Huittinen | 8 | Rantasalmi | 3 |
Kauniainen | 8 | Tampere | 3 |
Oulu | 8 | Pornainen | 3 |
Pukkila | 6 | Laitila | 2 |
Uusikaupunki | 6 | Sastamala | 2 |
Lieto | 5 | Raasepori | 2 |
Masku | 4 | Jämsä | 2 |
Kirkkonummi | 4 | Riihimäki | 2 |
Paimio | 4 | Kemi | 2 |
Mikkeli | 4 | Pieksämäki | 2 |
Asikkala | 2 | Kuopio | 2 |
Kouvola | 2 | Maarianhamina | 2 |
Mynämäki | 2 | Naantali | 1 |
Pöytyä | 1 | Eura | 1 |
Kemijärvi | 1 | Maalahti | 1 |
Kempele | 1 | Pello | 1 |
Eurajoki | 1 | Pyhtää | 1 |
Alavieska | 1 | Kokkola | 1 |
Kuusamo | 1 | Laihia | 1 |
Kruunupyy | 1 | Sauvo | 1 |
Nokia | 1 | Salo | 1 |
Hausjärvi | 1 | Kalajoki | 1 |
Ylöjärvi | 1 | Säkylä | 1 |
Iisalmi | 1 | Kangsala | 1 |
Parainen | 1 | Inari | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 726 qof, kaddib dhimashada hal qof oo cusub oo ay sheegtay manta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 16 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 524 qof, kuwaasoo 501 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 262 145 qof (19.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
36 265 308 | 111 333 461 |
824 743 | 2 465 542 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |