Khamiis 25.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 565 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 55 687 qof. Toddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 478 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 366 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 67 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka | |
Helsinki | 176 | Asikkala | 2 | |
Vantaa | 74 | Kaarina | 2 | |
Turku | 50 | Salo | 2 | |
Espoo | 44 | Seinäjöki | 2 | |
Hyvinkää | 13 | Inkoo | 2 | |
Järvenpää | 11 | Lahti | 2 | |
Mikkeli | 11 | Kouvola | 2 | |
Kirkkonummi | 11 | Karkkila | 2 | |
Tampere | 10 | Virolahti | 2 | |
Nurmijärvi | 9 | Lohja | 2 | |
Maarianhamina | 8 | Pirkkala | 2 | |
Jyväskylä | 8 | Nokia | 2 | |
Oulu | 7 | Kotka | 2 | |
Lappeenranta | 7 | Akaa | 2 | |
Vaasa | 6 | Hirvensalmi | 2 | |
Tornio | 5 | Kemiönsaari | 2 | |
Raasepori | 5 | Raahe | 1 | |
Rauma | 5 | Pöytyä | 1 | |
Tuusula | 5 | Närpiö | 1 | |
Riihimäki | 5 | Punkalaidun | 1 | |
Raisio | 4 | Hammarland | 1 | |
Eurajoki | 4 | Heinola | 1 | |
Porvoo | 4 | Sastamala | 1 | |
Kerava | 4 | Pälkäne | 1 | |
Paimio | 3 | Loppi | 1 | |
Jomala | 3 | Huittinen | 1 | |
Hämeenlinna | 3 | Laukkaa | 1 | |
Joensuu | 3 | Ulvila | 1 | |
Kittilä | 3 | Mäntyharju | 1 | |
Kuopio | 3 | Mäntsälä | 1 | |
Pori | 3 | Uusikaupunki | 1 | |
Kauhajoki | 1 | Pornainen | 1 | |
Lempäälä | 1 | Kangsala | 1 | |
Suintio | 1 | Kauniainen | 1 | |
Kärkolä | 1 | |||
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 194 qof, tiradaasoo 8 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 36 qof, waxaana Talaadadii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 740 qof, kaddib dhimashada 3 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 759 qof, kuwaasoo 729 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 29-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollaa dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 319 559 qof (25.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
37 036 821 | 113 172 309 |
840 968 | 2 510 567 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |