Arbaca 17.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 548 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 51 595 qof. Waxaa toddobo maalmood gudahood ku darsantay 2 788 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 368 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, gobolka Satakunta oo 40 qof laga helay iyo gobolka Etelä-Savo oo laga helay 19 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka |
Helsinki | 204 | Kaarina | 2 |
Vantaa | 82 | Lohja | 2 |
Espoo | 38 | Sauvo | 2 |
Turku | 33 | Tampere | 2 |
Pori | 23 | Mäntsälä | 2 |
Paimio | 21 | Sipoo | 1 |
Mikkeli | 18 | Jokioinen | 1 |
Järvenpää | 11 | Vihti | 1 |
Rauma | 11 | Eura | 1 |
Kauniainen | 7 | Kokkola | 1 |
Kerava | 7 | Kolari | 1 |
Tuusula | 5 | Mäntyharju | 1 |
Lempäälä | 5 | Tervola | 1 |
Nurmijärvi | 5 | Pälkäne | 1 |
Salo | 5 | Marttila | 1 |
Uusikaupunki | 4 | Lappeenranta | 1 |
Joensuu | 4 | Hamina | 1 |
Kouvola | 4 | Laukkaa | 1 |
Laitila | 3 | Lahti | 1 |
Pukkila | 3 | Seinäjöki | 1 |
Suintio | 2 | Liminka | 1 |
Loviisa | 2 | Vaasa | 1 |
Rovaniemi | 2 | Kiuruvesi | 1 |
Muhos | 2 | Loimaa | 1 |
Raisio | 2 | Kannus | 1 |
Pello | 2 | Ylivieska | 1 |
Maarianhamina | 2 | Kankaanpää | 1 |
Raahe | 2 | Somero | 1 |
Huittinen | 2 | Alavus | 1 |
Ulvila | 2 | Rusko | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 14 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 723 qof, kaib markii ay hay’adda THL sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh maanta, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 17 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 449 qof, kuwaasoo 427 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 229 558 qof (17.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 809 431 | 110 114 175 |
812 329 | 2 431 597 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|