Arbaca 30.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 483 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 858 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 64 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 247 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 61 qof ah iyo Gobolka Pirkanmaa oo 29 qof ah.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 120 qof, Vantaa: 78 qof, Turku: 43 qof, Espoo: 27 qof, Tampere: 14 qof, Jyväskylä: 12 qof, Lahti: 11 qof, Vaasa: 8 qof, Oulu: 7 qof, Kaarina: 6 qof, Salo: 5 qof, Ylöjärvi: 5 qof, Kitee: 5 qof, Porvoo: 5 qof, Kotka: 4 qof, Tornio: 4 qof, Lapeenranta: 3 qof, Hyvinkää: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Hamina: 3 qof, Raiso: 3 qof, Maalahti: 3qof, Hämeenlinna: 3 qof, Järvenpää: 3 qof, Mustasaari: 3 qof, Sievi: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Brändö: 2 qof, Valkeakoski: 2 qof, Laukaa: 2 qof, Pirkkala: 2 qof, Pori: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Nokia: 2 qof. Magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 221 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 556 qof, kaddib markii ay hay’adda THL soo gudbisay maanta dhimashada 6 qof oo hor leh.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
25 79888 173 | 82 421 357 |
561 546 | 1 799 076 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |