Jimco 11.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 47 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 660 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 23 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 25 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 4 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Vantaa | 13 |
Helsinki | 6 |
Tornio | 4 |
Turku | 3 |
Oulu | 2 |
Jyväskylä | 2 |
Joensuu | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 55 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 744 000 oo qof (11.06). labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 675 000 oo qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 175 687 030 | 53,3 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 790 469 | 1,1 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 5 031 237 | 53 093 042 |
Tirada u dhimatay feyruska | 134 064 | 730 371 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 40 088 596 | 30 215 159 |
Tirada u dhimatay feyruska | 905 496 | 933 492 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS