Sabti 30.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 469 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 871 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 59 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 234 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 42 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 34 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 97 qof, Vantaa: 54 qof , Espoo: 43 qof, Tampere 31 qof, Jyväskylä: 28 qof, Turku: 19 qof, Oulu: 11 qof, Lahti: 11 qof, Järvenpää: 9 qof, Pori: 8 qof, Seinäjoki iyo Savonlinna: min 7 qof ah, Magaalooyinka kala ah Rauma, Kerava iyo Vaasa : min 6 qof ah. Magaalooyinka Tornio, Kotka, Kauhava: oo min 5 qof ah, sidoo kale magaalooyinka Raiso, Närpiö, Lohja, Vöyri, Mäntsälä, iyo Porvoo oo min 4 qof ah, Magaalooyinka Kaarina, Kajaani, Uusikaarlepyy, Karkkila, Kolari, Naantali, Laukkaa, Kuopio, Rovaniemi, Hyvinkää iyo Loppi oo min 3 qof ah. Magaalooyinka Nokia, Tammela, Laitila, Hämeenlinna, Jämijärvi, Vihti, Orimattila, Nurmijärvi, kirkkonummi iyo Akaa oo min 2 qof ah. Inta kale ee soo harray ee magaalooyinkana waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 671 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 144 520 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
33 126 989 | 102 736 747 |
731 086 | 2 218 558 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |