Khamiis 04.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 444 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 46 493 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 265 qof, gobolka Keski-Suomi oo laga helay 81 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 52 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 115 qof, Jyväskylä: 81 qof Vantaa: 69 qof , Espoo: 45 qof, Tampere: 40 qof,Turku: 26 qof, Kerava: 8 qof, Savonlina: 8 qof, Oulu: 7 qof, Paimio: 7 qof, Järvenpää: 5 qof. Lohja: 4 qof, Kalajoki: 4 qof, Pyhtää: 4 qof, Vaasa: 4 qof, Kuopio: 3 qof, Tuusula: 3 qof, Sipoo: 3 qof, Karkkila: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Lieto: 3 qof, Pöytyä: 3 qof, Uusikaarlepyy: 3 qof, Lahti: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Raasepori: 2 qof, Masku: 2 qof, Pyhäranta: 2 qof, Jämsä: 2 qof, Hämeenkyrö: 2 qof, Närpiö: 2 qof, Kotka: 2 qof, Vieremä: 2 qof, Pori: 2 qof, Rauma: 2 qof, Tornio: 2 qof, Rovaniemi: 2 qof,
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 128 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 23 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 688 qof, kaddib markii maanta 3 qof oo hor leh ay u dhinteen xanuunka feyruska korona awgiis, sida ay sheegtay hay’adda THL.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 145 770 qof (2.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
33 954 608 | 104 994 481 |
756 511 | 2 280 664 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |