Arbaca 20.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 444 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 41 166 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 278 qof, gobolka Pohjois- Savo oo laga helay 35 qof, iyo gobolka Varsinais-suomi oo laga helay 30 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 127 qof, Vantaa: 62 qof , Espoo: 53 qof, Kuopio: 26, Turku: 21 qof, Oulu: 13 qof, Kouvola: 12 qof, Tampere: 10 qof, Siilinjärvi: 6 qof, Valkeakoski: 4 qof, Hyvinkää: 4 qof, Kerava: 4 qof, Vaasa: 4 qof, Nurmijärvi: 4 qof, Uusikaupunki: 4 qof, Kotka: 4 qof, Salo: 3 qof, Vihti: 3 qof, Jyväskylä: 3 qof, Askola: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Tornio: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, iyo magaalooyinka: Seinäjoki, Pori, Hankasalmi, Riihimäki, Kannus, Mäntsälä, Lahti, Savonlinna, Kangasala, Kolari, Porvoo, Kaarina, Tuusula, Sipoo, Lohja, Tyrnävä, Maalahti, Varkaus, Karkkila, iyo Heinola oo min 2 qof. Inta soo hartay magaalooyinka oo min hal qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 146 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 632 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Lappi iyo gobolka Pohjois-Savo (marka laga reebo magaalooyinka Kuopio iyo Siilinjärvi oo ku jira heerka karaar- qaadashada).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
31 035 992 | 96 727 596 |
672 736 | 2 068 303 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |