Sabti 13.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 435 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 50 007 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dadka laga helay ku soo kordhay 2 745 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 295 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 27 qof, iyo gobolka keski-Suomi oo 23 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 172 qof, Vantaa: 58 qof , Espoo: 28 qof, Jyväskylä: 21 qof, Turku: 14 qof, Järvenpää: 13 qof, Pori: 10 qof, Vaasa: 9 qof, Tampere: 8 qof, Magaalooyinka kala ah: Tuusula, Kerava iyo Rauma waxaa laga helay min 7 qof. Magaalooyinka kala ah: Lahti, Nurmijärvi iyo Hämeenlinna waxaa laga helay min 5 qof. Sidoo kale waxaa min 3 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Nokia, Raisio, Kangasala, Paimio iyo Oulu. Magaalooyika kala ah: Raahe, Pirkkala, Lieto, Rovaniemi, Sipoo, Lempäälä, Riihimäki, Joensuu, Karvia, Ylöjärvi, Vöyri iyo Salo waxaa laga helay mi 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 109 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 710 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dhimashada ku soo korodhay 18 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 206 283 qof (13.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 316 370 | 108 790 357 |
784 040 | 2 395 717 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS, WORLDOMETERS |