Khamiis 28.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 423 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 039 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 84 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 186 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 56 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 41 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 69 qof, Tampere 49, Vantaa: 41 qof, Espoo: 24 qof, Jyväskylä: 24 qof, Turku: 21 qof, Oulu: 15 qof, Kuopio: 12 qof, Rauma: 10 qof, Järvenpää: 9 qof, Hattula: 7 qof, Magaalooyinka Lahti iyo Kerava oo min : 6 qof ah, Magaalooyinka Närpiö, Tuusula, Uusikaupunki, Orimattila oo min : 5 qof ah, Magaalooyinka Kotka, Loppi, Mikkeli, Joensuu, Tornio oo min: 4 qof ah, Magaalooyinka Kouvola, Hämeenlinna, Riihimäki, Kirkkonummi, Porvoo, Mäntsälä, Karkkila, Kaarina oo min: 3 qof ah, iyo magaalooyinka Hausjärvi, Kankaanpaa, Alajärvi, Nurmijärvi, Kauniainen; Raasepori, Askola, Pornainen, Lieto, Paimio, Kangasala, Pietersaari oo min : 2 qof ah, inta kale ee magaalooyinka soo harayna waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 138 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 22 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 664 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 4 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
32 679 629 | 101 546 529 |
718 637 | 2 187 023 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |