Isniin 29.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 76 425 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 091 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 244 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 45 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 41 qof .
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 132 | Masku | 3 |
Vantaa | 48 | Kaarina | 2 |
Espoo | 40 | Koski Tl | 2 |
Turku | 35 | Järvenpää | 2 |
Lahti | 19 | Oulu | 2 |
Tampere | 18 | Joensuu | 2 |
Nokia | 9 | Ypäjä | 2 |
Hämeenlinna | 8 | Hyvinkää | 2 |
Tuusula | 8 | Nurmijärvi | 2 |
Mikkeli | 7 | Rovaniemi | 2 |
Kerava | 6 | Kokkola | 2 |
Lappeenranta | 5 | Lohja | 2 |
Jämsä | 5 | Eurajoki | 2 |
Säkylä | 5 | Janakkala | 2 |
Kouvola | 4 | Virrat | 2 |
Jyväskylä | 4 | Imatra | 1 |
Hamina | 4 | Hattula | 1 |
Hamina | 6 | Kittilä | 1 |
Ylöjärvi | 3 | Lemi | 1 |
Hollola | 3 | Akaa | 1 |
Oulu | 5 | Porvoo | 1 |
Kotka | 3 | Vaasa | 1 |
Savonlinna | 3 | Salo | 1 |
Kuopio | 3 | Riihimäki | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 54 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 822 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 5 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 22 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 932 253 oo qof (29.03)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
42 959 557 |
127 863 603 |
Tirada u dhimatay feyruska |
944 654 |
2 797 663 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS |