Jimce 05.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 401 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 46 894 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 73 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 258 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Vaasa oo laga helay 24 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 114 qof, Vantaa: 56 qof , Espoo: 46 qof, Turku: 22 qof, Järvenpää iyo Nurmijärvi: min 9 qof, Vaasa: 7 qof, Kerava: 6 qof, Jyväskylä,Tampere, Närpiö, Kaarina, Pori iyo Rauma: min 5 qof, Magaalooyinka kala ah Oulu, Sipoo, Kotka iyo Korsnäs: min 4 qof, Magaalooyinka Lohja, Nokia, Muurame, Paimio, Hattula, Lahti, Kuopio,Tuusula iyoTornio: min 3 qof, magaalooyinka Vihti, Salo, Raisio, Uusikaupunki, Pöytyä, Sastamala, Muhos, Mikkeli, Alavieska, Mustasaari, Kirkkonummi, Savonlinna iyoVöyri: min 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta geleinkii dambe sheegtay dhimashada 4 qof o hor leh.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 164 501 qof (5.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
34 122 077 | 105 509 684 |
761 612 | 2 296 597 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |