Arbaca 10.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 400 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 48 807 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 71 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 302 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 32 qof, iyo gobollada Pirkanmaa iyo Keski-Suomi oo min 9 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 126 qof, Vantaa: 72 qof , Espoo: 47 qof, Järvenpää: 18 qof, Turku: 17 qof, Tuusula: 9 qof, Jyväskylä: 8 qof, Karvia: 8 qof, Kerava: 6 qof, Porvoo: 6 qof, Tampere: 5 qof, magaalooyinka kala ah Oulu, Nurmijärvi, Lahti iyo Lohja: oo min 4 qof ah. Magaalooyinka kala ah Paimio, Mäntsälä, Salo, Uusikaupunki, Ylivieska, Siilinjärvi, Lempäälä, Rauma iyo Kouvola oo min 3 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah Rovaniemi, Tornio, Vieremä, Lappeenranta, Mikkeli, Sauvo, Hämeenlinna, Karkkila iyo Loimaa oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 116 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 706 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 3 qof oo hor leh.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 178 005 qof (10.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
34 854 295 | 107 496 322 |
784 040 | 2 353 297 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |