Jimce 29.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 402 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 59 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 200 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 51 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo 30 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 93 qof, Espoo: 44 qof, Vantaa: 35 qof , Tampere 29, Turku: 27 qof, Rauma: 19 qof, Oulu: 9 qof, Jyväskylä: 9 qof, Vaasa: 9 qof, Magaalooyinka Raiso iyo Kuopio oo min 8 qof laga helay. Järvenpää: 5 qof, Magaalooyinka Naantali, Rovaniemi iyo Hyvinkää oo laga helay min 4 qof. Magaalooyinka kala ah Loimaa, Kerava, Lohja, Lappeentanta, Kouvola, Kirkkonummi iyo Kaarina oo min 3 qof laga helay. Iyo magaalooyinka kala ah Riihimäki, Karvia, Pudasjärvi, Nurmijärvi, Vihti, Porvoo, Savonlinna, Kotka, Muhos, Alajärvi iyo Vöyri oo min 2 qof laga heöay, inta kale ee soo hartay ee magaalooyinkana waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 671 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 7 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
32 893 414 | 102 137 721 |
724 878 | 2 203 114 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |