Axad 07.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 354 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 616 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 223 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 23 qof, iyo gobolka Keksi-Suomi oo laga helay 22 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 105 qof, Vantaa: 53 qof , Espoo: 33 qof, Jyväskylä: 20 qof, Turku: 17 qof, Vaasa: 8 qof, Oulu: 8 qof, Savonlinna iyo Järvenpää: min 7 qof, Ylivieskä iyo Tampere: min 6 qof, Kerava: 5 qof, Lahti iyo Hämeenlinna: min 4 qof, waxaa sidoo kale min saddex qof laga helay magaalootinka kala ah: Vihti, Raisio, Porvoo, Kuopio, Kouvola, iyo Karkkila . Waxaa min laba qof lga helay magaalooyinka kala ah: Sotkamo, Sipoo, Riihimäki, Pori, Nurmijärvi, Mustasaari, Lappeenranta, Korsnäs, Kontiolahti iyo Hyvinkää. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 170 335 qof (6.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
34 465 235 | 106 424 184 |
771 370 | 2 322 029 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|