Isniin 08.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 353 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 969 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 70 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 184 qof, gobolka Keksi-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Vaasa oo laga helay 27 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 92 qof, Vantaa: 35 qof , Jyväskylä: 29 qof , Espoo: 26 qof, Turku: 15 qof, Vaasa: 13 qof, Tampere: 10 qof, Sotkamo, Kirkkonummi, Riihimäki, iyo Järvenpää: oo laga helay min 6 qof, Magaalooyinka Närpiö, Uusikaarlepyy iyo Oulu: oo laga helay min 5 qof, Waxaa min 4 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Pori, Tuusula, Lahti, Rovaniemi, Lohja, Muurame, Paimio, Rauma, Laukaa, Hämeenkyrö, Kerava, Kolari iyo Hollola. Magaalooyinka kala ah Ikaalinen, Maalahti, Inkoo, Sipoo, Lappeenranta iyo Äänekoski waxaa laga helay min 2 qof. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 125 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 701 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 9 qof oo hor leh.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 170 641 qof (8.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 581 559 | 106 755 002 |
773 884 | 2 328 814 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |