Talaada 26.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 348 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 43 120 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 187 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 24 qof iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 22 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 83 qof, Vantaa: 49 qof, Tampere: 21 qof, Espoo: 19 qof , Jyväskylä: 17 qof, Oulu: 13 qof, Turku: 12 qof, Kuopio: 11 qof, Vaasa: 7qof, Järvenpää: 6 qof, Porvoo: 6 qof, Mikkeli: 5 qof, Lahti: 5 qof, Kaarina: 4 qof, Nurmijärvi: 4 qof, Pori: 4 qof, Vihti: 4 qof, Kirkkonummi: 4 qof, Hautala: 4 qof, Magaalooyinka kala ah: Rauma, Joensoo, Karkkila, Kontiolahti oo min 3 qof laga helay, Sidoo kale magaalooyinka kala ah: Naantali, Tuusula, Kerava, Kotka, Pietarsaari, Muhos, Lappeenranta, Vöyri, Raahe, Rovaniemi, Hankasalmi, Pyhtää iyo Mänttä-Vilppula oo min 2 qof laga helay. Inta soo hadhay ee magaalooyinka kale ahna min 1 qof ayaa laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 131 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 655 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 11 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
32 327 681 | 100, 339 568 |
705 227 | 2 151 272 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|