Arbaca 06.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 331 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 549 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 184 qof, gobolka Varsinais-Suomioo 63 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 25 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Vantaa: 50 qof, Turku: 48 qof, Espoo: 28 qof,Oulu:18 qof, Porvoo: 8 qof, Salo: 7 qof, Jyväskylä: 5 qof, Hyvinkää: 5qof, Kouvola, Tampere, Järvenpää, Kuopio iyo Pietarsaari: oo min 4 qof ah, Lahti, Mustasaari, Paimio, Sievi, Raasepori, Pieksämäki iyo Maalahti: oo min 3 qof ah. Vaasa, Mäntsälä, Keminmaa, Lappeenranta, Tuusula, Raisio, Kerava,Kempele iyo Nurmijärvi: oo min 2 qof ah, iyo inta kale ee magaalooyinka soo haray oo min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 188 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 25 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 576 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
27 676 479 | 86 950 075 |
595 625 | 1 878 504 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |