Arbaca 13.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 324 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 335 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 169 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 59 qof iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 23 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 72 qof, Vantaa: 44 qof, Turku: 41 qof, Espoo: 36 qof, Oulu: 19 qof, Tampere: 12 qof, Lahti: 6 qof, Kuopio: 5 qof, magaalooyinka Raiso, Jyväskylä, Nurmijärvi iyo Vaasa oo min 4 qof laga helay, Magaalooyoinka kala ah Tuusula, Järvenpää, Kaarina, Kerava, Hämeenlinna iyo Ilomantsi oo laga helay min 3 qof, sidoo kale magaalooyinka kala ah Lieto, Maalahti, Tornio, Rusko, Salo, Riihimäki, Pyhtää, Hollola, Lohja, Rovaniemi, Kuusamo, Aura iyo Savonlinna : oo min 2 qof laga helay, iyo magaaloyinka kale ee soo haray oo min hal qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 150 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 610 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala iyo Kainuu.
Heerka hoose: Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
29 454 161 | 92 116 803 |
633 244 | 1 972 676 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |