Sabti 09.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 324 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 392 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 135 qof iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 41 qof, iyo Gobolka Varsinais-Suomi oo 31 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Vantaa: 60 qof, Oulu: 33 qof, Turku: 22 qof, Espoo: 20 qof, Lahti: 11 qof, Tampere: 10 qof, Jyväskylä: 6 qof, Tornio: 6 qof, Jårvenpää: 5 qof, Kuopio: 5 qof, Kotka: 4 qof, Pori: 4 qof, Joensuu: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Kerava, Häemnnlinna, Naantali, Kangasala, Eurajoki, Vihti, Imatra, Salo, Porvoo, Hyvinkää, Lieto, Kemi, Utäjärvi iyo Kirkkonummi: oo min 2 qof laga helay, iyo magaalooyinka soo haray oo min hal qof laga helay
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 176 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
28 547 703 | 89 468 748 |
607 005 | 1 924 308 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |