Jimco 15.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 318 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 911 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 66 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 138 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 41 qof, iyo Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 66 qof, Vantaa: 40 qof, Tampere: 28 qof, Turku: 27 qof, Espoo: 20 qof, Oulu: 17 qof, Kuopio: 10 qof, Lahti: 10 qof, Hämeenlinna: 5 qof, waxaa min 4 qof laga kala helay magaalooyinka : Mikkeli, Kerava, Valkeakoski, Jyväskylä, Sidoo kale min 3 qof waxaa laga kala helay magaalooyinka kala ah: Kouvola, Pietarsaari, Hollola, Nurmijärvi, iyo Tornio. Min 2 qof waxaa laga kala helay magaalooyinka kala ah: Salo, Heinola, Hirvensalmi, Degmada Pedersören, Närpiö, Petäjävesi, Vyöri, Tyrnävä, Siilinjärvi, Virrat.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in maanta ay feyruska korona u dhinteen 2 qof oo hor leh.
Nooca cusub ee feyruska korona waxaa Finland laga helay 61 xaaladood, sidaana waxaa sheegay dhakhtarka sare ee ka tirsan hay’adda THL Taneli Puumalainan. Nooca ingiriiska ee loo yaqaan Variantti waxaa laga helay Finland 59 xaaladood, nooca cusub ee laga helay Koonfur-Afrika waa 2 xaaladood.
Feyruska Variantti ee Ingiriiska ee laga helay Finland, 39 ka mid ah waxaa uu ka yimid dalka Ingiriiska, 4 dalka Sweden, 3 xaaladood dalka Ghana. 10 xaaladood waxaa ay ka yimaadeen dalal kala duwan, 3 xaaladoodna lama yaqaan dalka ay ka yimaadeen.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
30 035 937 | 93 557 099 |
646 157 | 2 002 982 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |