Axad 14.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 312 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 50 319 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 167 qof, waxaa ku xiga gobolka Vaasa oo laga helay 29 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof laga helay iyo gobolka Satakunta oo laga helay 25 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 93 qof, Vantaa: 34 qof , Vaasa: 20 qof, Turku: 18 qof , Espoo: 18 qof, Jyväskylä:18 qof, Pori: 15 qof, Rauma: 10 qof, Järvenpää: 6 qof, Tampere: 6 qof, Paimio: 5 qof, Tuusula: 5 qof, Närpiö: 4 qof, Lahti: 3 qof, Maalahti: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Oulu: 3 qof, magaalooyinka kala ah : Joensuu, Kerava, Nurmijärvi, Lohja, Keminmaa, Kouvola, Uusikaarlepyy, Mikkeli, Hämeenlinna iyo Raiso waxaa laga helay min 2 qof. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 109 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 710 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dhimashada ku soo korodhay 18 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 209 510 qof (14.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 420 027 | 109 165 453 |
784 040 | 2 406 677 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |