Talaada 22.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 330 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 717 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 135 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 48 qof laga helay, Vaasa oo 42 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Mustasaari 34 qof, Turku 28 qof, Vantaa: 24 qof, Espoo: 19 qof, Turku: 15 qof , Kerava 12 qof, Nokia 9 qof, Jyväskylä 9 qof, Lahti 7 qof, Vaasa 7 qof, Oulu 6 qof, Kauniainen 6 qof, Kaarina 6 qof, Tornio 4 qof, Tampere 3 qof, Lieto 3 qof, Parainen 3 qof, Hämeenlinna 3 qof, gobolka Lappi 6 qof, Etelä-Pohjanmaa 3 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 273 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 511 qof., kaddib markii maanta oo talaada ah ay dhinteen 5 qof oo hor leh.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
24 182 030 | 77 862 704 |
Tirada u dhimatay feyruska |
522 508 | 1 712 010 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS