Talaada 02.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 302 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 45 784 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 152 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 26 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 72 qof, Espoo: 25 qof, ,Vantaa: 23 qof ,Turku: 21 qof, Jyväskylä: 13 qof, Vaasa: 8 qof, Kaarina, Savonlinna iyo Tuusula: oo min 6 qof laga helay. Lahti, Kirkkonummi iyo Oulu: oo min 5 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah Mäntsälä, Vihti, Seinäjoki, Kouvola iyo Kerava: oo min 4 qof laga helay. Sidoo kale magaalooyinka kala ah Loimaa, Mustasaari, Loppi, Raahe, Tornio, Kajaani, Sipoo, Porvoo, Kankaanpää, Kemi, Kaustinen, Hyvinkää, Rovaniemi, Kurikka, Salo, Riihimäki, Mikkeli, Lappeenranta, iyo Nurmijärvi oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 135 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 17 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 677 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 145 557 qof (1.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
33 591 899 | 103 997 587 |
743 494 | 2 249 611 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |